Site icon Radio Daljir

Golaha Ammaanka ee Gobolka Banaadir oo La Magacaabay

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed(Taabid Ab) ayaa magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in Golahaan la magacaabay ee amniga Gobolka banaadir ay ka shaqeyn doonaan sidii Magaalada Muqdisho looga soo celin lahaa, amnigii loogu bartay sanado ka hor.

Liiska guddiga la magacaabay.

1­ Taliyaha Nabadsugidda

2­ Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga

3 Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir

4 Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka

5 Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska

6 Taliyaha Nabadsugida

7 Taliyaha Qeybta 12­ka April ee Ciidamada Xoogga dalka

8 Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Taabid Cabdi Maxamed(Taabid Ab) ayaa sheegay in Guddigaan ay u rajeenayaan in ay ku guuleystaan howlihii loo magacaabay.

Exit mobile version