Golaha Amarmaanka ee QM oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ee Buulo-mareer

Golaha Ammaanka ee QM ayaa kulan uu xalay yeeshay waxaa uu uga hadlay weerarkii Al-Shabaab ee deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeelada hoose, weerarkaasi oo khasaare uu kasoo gaaray ciidamada AMISOM iyo Shabaabkii weeraray.

War kasoo baxay fadhiga Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu sheegay inay taageerayaan howlgalada AMISOM si meesha looga saaro baqdinta laga qabo Al-shabaab.

Golaha ayaa soo saaray in la ciqaabo oo gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii maalgaliyay kooxda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com