Site icon Radio Daljir

Golaha Amaanka QM oo kordhiyeey Wakhtiga Joogitaanka Ciidamada Ladagaalanka Burcad Badeeda

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay si buuxda isugu raaceen in Awood dheeraad ah la siiyo Ciiddanka Caalamiga ee ku sugan Badda Somalia, si ay jawaab buuxda uga bixiyaan Falalka Burcad-baddeedka ka dhaca Xeebaha Somalia.

Goluhu waxay cambaareeyeen Falalka Burcad-baddeeda iyo dhdca hubeysan ee ka dhaca meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia, waxayna ku baaqeen in si buuxda looga hortago falalkaasi.

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM wxaay ugu baaeen Madaxda Somalia inay sii wadaan qorshaha lagu ansixinayo Sharciga La-dagaalanka Burcad-baddeeda iyo Baddaha, lana sameeyo Ciiddan Ammaan oo door muuqda ka qaata xoojinta Sharciga iyo in la xoojiyo Awoodaha Maxkamadaha Somalia si ay baaritaano ugu sameeyaan, una xukumaadaan kuwo mas’uulka ka ah Falalka Burcad-badeedka.

Exit mobile version