Golaha Amaanka Qaramada midoobey oo ka hadlay xaaladda Laascanood

Golaha Amaanka Qaramada midoobey oo ka hadlay xaaladda Laascanood

Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay Xiisada k taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaSoolkuna baaqay in deg deg loo joojiyo.

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa ugu horreyn looga hadlay madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Bayaanka Golaha Amaanka ee QM ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.

Sidoo kale’ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada kuwii colaadda ku nafwaayay, soo kabashana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

Waxaa kaloo warbixinta lagu yiri “Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka, si xabadda loo joojiyo – wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahayna loo bilaabo.”

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

Warbixinta ayaa dhinaca kale ugu baaqday Xafiiska Qaradamada Midoobay ee Soomaaliya inuu taageero iyo gacan dheeri ah ka geysto arrintan.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.

Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha.

Waxaa kale oo Goluhu uu hoosta ka xariiqay in dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

Diwaanka Wararka
Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com