Gobolka sanaag oo lagu qabtay kulan tirkoobidda shacabka

Baran, Dec, 09- Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee Puntland ayaa shaacisay in la bilaabi doono barnaamij lagu tirakoobaya dadka oo ay gacan ka gaysanayso hay’adda UNFPA.


Kulan looga hadlayo tirakoobidda dadka ayaa gobolka Sanaag deegaano ka mid ah ku dhexmaray wasaaradda qorshaynta iyo maamulka gobolka Sanaag.


Tirakoobidda dadka ayaa looga gol leeyahay in la ogaado dadwaynaha kunool deegaanada Puntland, si masiibooyinka sida abaaraha marka ay dhacaan hay’adaha Qaramada Midoobay u helaan xog dhamaystiran oo la xiriirta dadka gurmadka loo fidinayo


Saciid Cabdilahi Uurcad oo ah iskudwaha wasaaradda qorshaynta ee gobolka Sanaag ayaa wareysi uu siiyay radio daljir, ku faah-faahiyay arintaasi, wuxuuna sheegay inay ka filayaan inay sida ugu habboon ugu soo dhamaato.

Diiwaanka wararka daljir

(S)

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com