Gobolka Sanaag oo dowladda Soomaaliya kacodsaday hormarinta adeegyada bulshada (dhegayso)

Gobolka Sanaag oo dowladda Soomaaliya kacodsaday hormarinta adeegyada bulshada (dhegayso)

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Sanaag ayaa sheegay baahiyo ku salaysan arimaha bulshada inay ka jirto gobolka Sanaag iyo deegaanada uu maamulo.

Caaqil Cabdiqani Maxamuud Faarax oo ah afhayeenka odayaasha gobolka Sanaag,  ayaa waraysi uu siiyay radio Daljir waxaa uu ku sheegay gobolka Sanaag inuu xaq u leeyahay mashaariicda ay dowladda Soomaaliya ay ka fuliso gobolada dalka, islamar ahaantaana uu la simanyahay gobolka Banaadir.

Waxaa uu xusay inay meesha ka baxday aragtida Beesha Caalamka ee ku saabsan gobolka Sanaag inuu yahay gobol ay ku muransanyiin maamulada Puntland iyo Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay maamul ahaan inuu hoos tago Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Arimaha waxbarashada , caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ayuu sheegay afhayeenka odayaasha,  gobolka inuu uga baahanyahay dowladda dhexe oo dhowaan wafdi heer wasiir iyo xildhibaano usoo dirtay gobolka si’ay u ogaadaan baahiyaha deegaanka kajirta, isagoona dhanka kalle sheegay inuu si wanaagsan uu usocdo mashruuca dhismaha wadada Ceeldaahir-Baran.

Hoos kadhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com