Gobolka Nugaal oo laga Bilaabay Olole Caafimaad

Khamiis, Octobar 01, 2015 (Daljir) —Koox iskugu jirta dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad ayaa ka wada qaybo ka mida gobolka Nugal gaarsiinta adeegyada caafimaad  gaar ahaan hooyada iyo dhalaanka, waxana todobaadkan ay ka anbabaxeen Garowe.

Wasaarada caafimaadka Puntland ayaa barnaamijka ((Integration Outreach) waxa fulintiisa gacan ka siineysa Hay’adda UNFPA. iyadoo adeegyadu iskugu jiraan baaritaano caafimaad, shaybaar, nafaqayn iyo dawayn.

Ubax Yuusuf Cali madaxa caafimaadka Asaasiga ah ee Gobolka Nugaal ayaa sheegtay in si wacan u socoto shaqada ay ka soo bilaabeen Burtinle, Jalam , Kalabayr iyagoo ugu danbeynsiin doona deegaanka Birta-dheer iyo tuuloyinka u dhow-dhow.

Dr. Cabdiraxman Xasan oo qaabilsan caruurta iyo cudurada guud waxa uu xusay in caruur 300 gaareysa ilaa iyo hadda uu qaabilay, ayna badi ka qabaan cuduradda dheef mareenka.

Haweenka ayaa waxa lagala talinayay qorshaha kala-korinta ilmaha.

Barnaamijkan lagu guuleystay tijaabadiisa gobolka Sool laguna xejiyay Nugaal ayaa waxa sidoo kale laga fuliyay Sanaag iyadoona la filayo gobolada kalena sidan si la mida in loo gaarsiiyo.

Qayb ayuu ka yahay barnaamijkani gaarsiinta adeegyada caafimaad goobaha ka baxsan magaalooyinka waawayn iyo deeganada ka fog laamiga.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com