Gobolka Gedo oo lagu soo bandhigay rag ku eedaysan inay qaraxyo doonayeen inay fuliyaan

Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa gacanta kusoo dhigay rag lagu eedeeyey inay doonayeen inay qaraxyo ka fuliyaan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Raggan oo tiradoodu ay ahaayeen laba ruux ayaa sida maamulka uu sheegay lagu soo qabtay taleefano, bambaano iyo fiilooyin si’ay ugu isticmaalaan qaraxyada.

Guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo Maxamed Cismaan Xuseen Ganey ayaa sheegay in raggan su’aalo lagu waydiinayo saldhiga booliska ee degmada, waxaana uu intaasi ku daray falalkan qaraxa inay fashiliyeen ciidamada ammaanka ee gobolka Gedo.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com