Gobolka Banaadir iyo Madaxa UNHCR ee Bariga Afrika oo ka wada hadlay Xal-u-helidda Barakacayaasha

Muqdisho, Oktoobar 16 2018- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa
xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan
UNHCR Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga
Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren.

Duqa Muqdisho iyo Madaxda UNHCR ayaa ka wada hadlay sidii xal-waara
loogu heli-lahaa barakacayaasha ka badan 5,000 ee ku sugan gudaha iyo
daafaha Caasimadda. Waxana ay isla soo qadeen shaqo abuurka
dhalinyarada, dayactirka iskuullada iyo xarumaha Caafimaadka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin dheer ka siiyey ergada
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga xaaladda
barakacayaasha ku sugan Caasimadda, isagoo xusay muhiimadda ay
leedahay in lasii xoojiyo taageerada loo fidinayo waqtigan .

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda UNHCR ee maanta noogu yimid xarunta
Dawladda Hoose, si aan wadajir uga xaajoono mustaqbalka kumanaanka
barakacayaasha ah ee ku nool gudaha iyo daafadaha Caasimadda iyo dadka
qaxootiga dib uga soo laabanaya. M/mulka G/Banaadir si buuxda ayay u
garab-taagan yahay qaxootiga iyagoo ka wada shaqaynaya hay’adaha
gargaarka sidii looga caawin lahaa in qaxootigu ay noloshooda dib u
yagleelaan”.

Ergeyga Gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Hay’adda Qaramada
Midoobay u qaabilsan qaxootiga Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa
sheegay in mar walba diyaar u yihiin gacan siinta qaxootiga
Soomaaliyeed, isla markaana maadaama ay Caasimadda ku nool yihiin
qaxooti tiro badan lagama maarmaan tahay in taageerada la sii
labo-jibaaro.

**DHAMMAAD**


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com