Go’aano kasoo baxay Kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Mudug

Go’aano kasoo baxay Kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Mudug

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa shir-gudoomiyey shirka Amniga heer Degmo, kaas oo manta lagu qabtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Saldhigyada iyo Laamaha Amniga iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Shirkan oo mudo socday ayaa Taliyayaasha saldhigyada Degmada Gaalkacyo lagu gudoonsiiyey Qalab isugu jira Jeebooyinka lagu xiro Eedaysanayaasha iyo Qalab lagu ogaado qofka isticmaalay Daroogada loo yaqaan Khamrida iyo heerka uu markaa joogo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta ka qeyb gashay shirka ay siweyn uga hadleen dhibaatooyinka amni ee kajira gobolka mudug gaar aaan kuwa ay gesytaan ururka Al-Shabaab.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dhammaan mas’uuliyintii ka qeyb gashay shirka ay isku raaceen in la laba laabo lana dardar geliyo sugida Amniga degaannada Gobolka Mudug ka maamul ahaana ay kula xisaabtami doonaan saraakiisha hay’adaha Amniga iyo Maamulada degmooyinka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dhammaan looga baahan yahay inay mas’uuliyad iska saaraan sidii looga hortegi lahaa dhibaatada amni darro oo ay Gobolka Mudug ka geystaan Ururka Al-Shabaab.

Degaano iyo degmooyin katirsan gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Puntland ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay falal amni darro oo ay geysteen Ururka Al-Shabaab iyo maleeshiyaad isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com