Gibileey:  Shacabka oo dhigay Dibadbax lagu qaadacay doorshadii Golayaasha degaanka

HomeWararka

Gibileey: Shacabka oo dhigay Dibadbax lagu qaadacay doorshadii Golayaasha degaanka

Dad ka careysan doorashadii Golayaasha degaanka ee degmada Gibileey ayaa waxaa ay Maanta xirteen wadada xiriirisa Magalooyinka Hargeysa iyo Gibileey e

Soomaaliland oo soo bandhigtey natiijada dad laga baarey COVID 19
Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo lagala wareegay Al-Shabaab
Kulan dhexmaray Safiirada Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Dad ka careysan doorashadii Golayaasha degaanka ee degmada Gibileey ayaa waxaa ay Maanta xirteen wadada xiriirisa Magalooyinka Hargeysa iyo Gibileey ee degaannada Soomaaliland.

Dadka oo isugu jira Rag iyo Haween ayaa waxaa ay taayaro ay gubeen iyo dhagxaan waaweyn ay ku xireen wadada dhex-marta bartamaha deegaanka Caro-yaambo ee duleedka Degmada Arabsiyo, iyaga oo u diidaya dadka & Gadiidka inay maraan.

Dadka banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ka careysan yihiin in uu doorashada kusoo bixi waayay Musharax ka sharaxnaa xisbiga UCID ee Degmada Gabiley , iyaga oo sheegay in doorashada la musuq maasuqay.

Warraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weli dadka careysan ay goobtaasi ku sugan yihiin, taas oo hakisay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isugu safri jiray Magaalada Hargeysa iyo degmada Gobileey.

Inta la ogyahay, waa diidmadii iyo rabshadihii ugu horeeyay ee ka dhasha doorashooyinka Somaliland, waxaana saacad walba si horudhac ah looogu dhawaaqayaa natiijooyinka doorashada ee degmooyinka Somaliland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: