Gen. Siciid dheere oo xusay in maxkamad la geyn doono askari xabadd ku riday musharax (Dhegeyso)

Garoowe, December 30, 2013 – Taliska howl-galka amaanka xiliga doorashada dhow ee Puntland Gen. siciid Maxamed Xirsi (Siciid dheere) oo maanta shir jaraa?id ku qabtay Garoowe, ayaa ka hadlay howlaha amaanka, hadal dhowaan ka soo yeeray gudoonka gobolka Nugaal, iyo kiis baaris ku socotay.

Gen. siciid dheere ayaa xaqiijiyey inay soo dhamaatay baarista kiis ahaa weerar lagu qaaday musharax Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey, wuxuu sheegay in rasaastii lagu weeraray musharaxa ay ahayd mid qalad ku dhacday oo aanay ku iman damac siyaasadeed.

Wuxuu xusay Gen. Siciid dheere in askariga la xiray isla markaasna maxkamad la soo taagi doono, isagoo tilmaamay in askariga xabada ku riday gaariga Cabdidaahir Maxamed Yuusuf uu ahaa mid aan xariif ku ahayn sida xabada loo tuuro.

Taliska ayaa hadal xanafle ku tilmaamay war uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Nugaal, wuxuu xaqiijiyey inay raali-gelin ka bixinayaan isla markaasna ay iyagu gacanta ku hayaan amniga guud ee magaalada caasimada ah iyo ilaalinta nabadgelyada xiliga doorashada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: – Gen. Siciid Maxamed Xirsi ?(Siciid dheere) oo shir jaraa?id Garoowe ku qabtay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com