Gen. Moorgan oo Bosaaso uga dhawaaqay musharaxnimada madaxwaynaha Puntland (sawiro)

Gen. Moorgan oo Bosaaso uga dhawaaqay musharaxnimada madaxwaynaha Puntland (sawiro)

Gen Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxwaynaha Puntalnd sanadka 2019.

Hadalkan ayaa waxaa uu ka sheegay xaflad wayn oo loogu sameeyey magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland oo ay kasoo qaybgaleen dadwayne badan.

Musharax Moorgan ayaa soo bandhigay siyaasadiisa uu ku hogaaminayo Puntland, sidoo kallena waxaa uu musharaxu ka hadlay sababaha ku dhaliyay xiligaan inuu isa soo sharaxo.

Puntland ayaa loo balansanyahay inay ka dhacaan doorashada madaxwaynaha horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2019, iyadoona ay socdaan kulamo lagu soo xulayo xubnaha ka mid noqonayo baarlamaanka Puntland, walow dowladda ay wali ku doodayso doorashada dambe ee Puntland inay ku dhacayso nidaamka xisbiyada badan, inkastoo aanay muuqan diyaar garow laga sameeyey suurta galinimada arrintaasi.

Hoos kadhagayso khudbaddii musharax Moorgan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com