Gen, Cadde Muuse oo lagu eedeeyey inuu Puntland iyo Jubbaland duminaayo.

?
?
Garowe, 29 May, maamulka Puntland ayaa war-saxafadeed ay soosaareen waxaa ay ku eedeyeen madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xirsi.
?
war qoraal ah oo saxaafada looqaybiyey Arbacadaan maanta ayaa lagu sheegey Gen.Cadde Muuse inuu ka shaqaynaayo duminta iyo Burburinta maamulka hadda jira ee uu madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole.
?
qoraalkaan oo kasoo baxay wasaarada warfaafinta uuna ku saxiixan yahay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Caydiid Dirir ayaa lagu sheegey in madaxweynihii hore Puntland Gen. ?Cadde Muuse inuu dagaal kula jiro nabada iyo xasiloonida ay haystaan shacabka reer Puntland.
?
,,Qodobada lagu eedeeyey Gen, Cadde Muuse?
?
,,,Gen. Cadde Muuse waxaa uu masuul ka yahay dhibaatooyin badan oo lagu xagal daacinaayo Puntland iyo Jubbaland waxaana uu lashaqeynayaa koox qaswadayaal ah kasoo horjeeda jiritaan iyo xasilooni ka hanaqaada Puntland iyo Jubbaland.
?
?,,,, waxaa uu masuul ka ahaa dhibaatadii ka dhacday deegaanka Majiyahan oo sababtay Alshabaab inay kasamays maan buuraleyda Galgala.
,,,, waxaa uu masuul ka ahaa gadoodka ciidamada Puntland oo ah lafdhabarta jiritaanka Puntland oo uu jahawareer ku riday si dalku faraha uga boxo.
,,,, waxaa uu masuul ka yahay shirar iyo abaabul xasarado been abuur ah oo Puntland lagu duminaayo oo uu hadda ku howlan yahay.
,,,waxaa kale uu masuul ka yahay kuna xiran yahay kooxo kasoo horjeeda jiritaanka Puntland iyo xasilooni kahana qaada Jubbaland.
,,,,waxaa uu kasoo horjeeda nidaamka xisbiyada badan oo Puntland ku talaabsatay kaasi oo horseed u ah dimuqraadiyad hormar cadaalad xasilooni nabad waarta oo lagu talaabsado.
?
Qodobada lagu eedeeyey Gen. Cadde Muuse ayaa waxay dabo socdaan hadal uu dhawaan siiyey warbaahinta hadalkaasi oo uu ku dhaliilay maamulka hadda jira C/raxman Faroole waxaana mooda hadalkaan inuu jawaab u yahay mana jirto ila iyo hadda jawaab uu bixiyey Cadde Muuse madaxweynihii hore ee Puntland.
?
Idle Moallim Omar?
Radio Daljir Somalia
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com