Geeri Naxdin leh : Wariye Cawke oo ku Geeriyooday Jig-jiga

Somalia, November 17, 2015 (Daljir) — Allaha U Naxariistee waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida wadanka Itoobiya ku geeriyoodey saaka Weriye Axmed Xasan Cawke oo kamid ahaa weriyayaasha hore ee Qaranka Soomaaliyeed, kadibna kasoo shaqeeyey warbaahin dhowr ah.

Canab Xasan Cawke oo ay walaalo yihiin marxuum Axmed Xasan Cawke ayaa warbaahinta u xaqiijisay geerida Marxuumka, waxaana ay sheegtay inuu xalay khadka taleefanka kula soo xiriiray uuna u sheegay in neeftu ay hayso oo uu xanuunsanayo.

AUN weriye Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada, wuxuuna kamid ahaa weriyayaasha ay bulshadu jeclayd ee dadka madadaalin jirey.

Bahda Daljir ayaa tacsi u diray qoyska iyo Ehelada Wariye Cawke

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com