Geba Gebada Safarka Madaxweynaha Punrland iyo Weftigiisa, Kadib Shirkii Kismaayo

Geba Gebada Safarka Madaxweynaha Punrland iyo Weftigiisa, Kadib Shirkii Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey oo 02 Sep 2018 ka ambabaxay magaalada Garoowe , ayaa qorshaha safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa uu ahaa ka qayb galka shirka 3-aad ee iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo Kismaayo ka furmayey.

Weftiga Madaxweynaha ayaa gaadhay gelinkii danbe isla maalintaasi 02 Sep 2018 magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gadh ka ah ee maamulka Jubbaland, halkaasoo Madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhoweyn diiran loogu sameeyey garoon ka diyaaradaha magaaladaasi, Madaxda iyo shacabka dowladda Jubbalandna ay si wada jira usoo dhoweeyeen Guddoomiyaha MIDXDFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa.

Madaxda dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa 03 Sep 2018 kulan la qaatay wakiilkii hore ee qaramada midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya Ambassador Michael Keating, Kulankaas oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland, Ahna Guddoomiyaha madasha Iskaashida dowladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyadoona kulanka looga wada hadlay doorka qaramada midoobey ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan Maamulada Soomaaliya, wanaajinta wadda shaqaynta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha madasha Iskaashida dowladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 04 Sep 2018 furay shirka 3-aad ee Madasha Iskaashiga dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, Madaxweynaha Puntland ayaa madashaasi ka jeediyey khudbad tariikhi ah oo salka ku haysey muhiimadda shirka iyo ajandaha looga hadlidoono muddada uu socdo shirku.

Guddoomiyaha madasha Iskaashida dowladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Gaas oo hogaaminaya Madaxweynayaasha kale ee ku bohoobey madashaasi ayaa booqday degaanka Goobweyn oo hoos yimaada magaalada Kismaayo, halkaas oo ah goob tariikhi ah oo Soomaaliya ku-taala, waxay kulmisatay Webi, Bad, Beero wax soosaar, qurux iyo cimilo wanaagsan.

Dedaalo, shirar iyo wada hadalo dheer kadib Madasha Iskaashiga dowladdaha xunaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa 08 Sep 2018 Warmurtiyeed kasoo saaray shirka Iskaashida dowladdaha xubnaha ka ah DFS, Marmurtiyeedka ayaa ka koobnaa 7 qodob oo si faahfaahsan u leh qodobo hoose, waxaa kamid ahaa qodabadaasi dowladdaha xubnaha ka ah DFS oo hakiyey wadashaqayntii u dhexeysey dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu danbayn shirka Madasha Iskaashiga dowladdaha xubnaha ka ah DFS si rasmi ah usoo xidhay, waxaana lagu balamay shirkan shirka xiga in lagu qabto caasimadda Puntland ee Garoowe 10-th October 2018.

Maxda iyo wufuuddii kala duwanaa ee kasoo qayb gashay shirka Kismaayo ayaa habeenimadii 08 sep 2018 xaflad sagootina loogu sameeyey hoyga martida ee magaaladaasi Kismaanyo, xafladdaas oo u jeedkeedu ahaa gunaanudka shirka oo guul kusoo dhammaaday ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahad naqay shacabka iyo Madaxda dowladda Jubbaland-ba marti gelinta shirka iyo hab maamuuska shirkaasi oo ahaa mid si wanaagsan loosoo agaasimay.

Madaxweynaah Puntladn iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa 09 Sep 2018 usoo kicitimay Garoowe ka gadaal dhammaystirka shirka, Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa kahor inta aanay kasoo ambabixin magaalada Kismaayo waxaa kusoo sagootiyey garoonka diyaaradaha Madaxweyne ku-Xigeenka Jibbaland, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Jubbaland, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Guddomiyaha Madasha iskaashiga dowladdaha Xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mahad balaadhan u jeediyey shacabka iyo dowladda Jubbaland,

“markale waxaan rabna inaan u mahadcelino shacabka reer Jubbaland iyo madaxdoodaba muddadii isbuuca ka badnayd, soo dhoweyntii, walaaltinimadii iyo marti gelintii aadka u saraysey, waxaan ku faraxsanahay anagoo shirnay, tashanay wadajirna u soo saarnay warmuriyeedkii maanta aan kala ambabaxayno” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa inta aanu soo gaadhin Garoowe waxa uu kusoo hakaday magaalada Dhuusa-mareeb, halkaasi oo uu Madaxweynuhu salaan ugu degey masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmug iyo shacab aad u tira badan oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha dowladda Puntland iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa markii uu soo gaadhay Garoowe 09 Sep 2018 waxaa garoonka diyaaradaha Ganaraal Maxamed Abshir kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweynta kadib sheegay in uu guul kusoo dhammaaday shirkii dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya,

“Waxaan ku maqnaa muddo isbuuca ka badan shirkii sadexaad ee madasha dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya, shirka waxaa diiradda lagu saarayey geedi socodka diwladnimada iyo nabad gelyada Soomaaliya, falanqayn dheer kadib waxaa kasoo baxay War-murtiyeedkii aad aragteen, ujeedada u danbaysa ee laga leeyahay shirka madasha waa wadanka in la xoreeyo, la xasiliyo dowladnimo Soomaaliyeed la helo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya u baahan tahay talo wadajira, wada shaqayn dhaba oo ka timaada madaxda soomaaliyeed oo fikirkoodu midaysan yahay, ururada bulshada iyo aqoon yahanka doomaaliyeed meel kastay joogaanba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com