Garsoore ka tirsanaa Maxkamadda Racfaanka oo maanta lagu dilay Bossaso.

Bossaso, Sep 14 – Allaha u naxariistee waxaa duhurnimadii maanta lagu dilay magaalada Bossaso Garsoore C/naasir Xaaji Aadan oo ka tirsanaa Maxmadda Racfaanka ee gobolka Bari, kaas oo lagu toogtay iridda hore ee maxkamadda.

Dilka Marxuunka ayaa waxaa geystay nin baskoolad ku hubaysan kaas oo la sheegayo in ciidanka booliska ay qabteen hadana lagu hayo saldhigga dhexe ee magaalada Bossaso.

Ma cadda sababta dilka loo geystay, mana jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo la xiriira arrintaas oo ka soo baxay dawladda Puntland.

Diiwaanka Wararka
Radio, Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com