Garsoorayaal lagu dhaariyeey Magaaladda Muqdisho (dhegayso)

Garsoorayaal lagu dhaariyeey Magaaladda Muqdisho (dhegayso)

Maxkamadda Rafcaanka ee dalka ayaa maanta dhaarisay Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee dalka ee uu 5ta bishan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Magacaabida Garsoorayaashan,waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare,Wasiirka Caddaaladda,Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha dalka.

Salaax Sheekh Ibraahin oo ka mid ahaa Garsoorayaashii maanta la dhaariyay ayaa ka codsaday in bahda garsoorka si dhaw ula shaqeeyaan, islamarkaana uu balan qaaday in ay si cadaalad ah Ummada ugu shaqeynayaan.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranma Dr Jamaal Maxamed Axmed ahna kusimaha Xeer Ilaaliyaha guud ayaa ku booriyay Garsoorayaaaha in looga baahan yahay inay dhowraan nidaamka iyagoo caddaalada garab taagan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com