Garowe oo uu ka furmay Shirka Wadatashiga Wasiirada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee DFS iyo Dowladaha Xubanaha ka ah Federaalka ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Garowe oo uu ka furmay Shirka Wadatashiga Wasiirada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee DFS iyo Dowladaha Xubanaha ka ah Federaalka ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Garowe: Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Wadatashiga Wasiirada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee DFS iyo Dowladaha Xubanaha ka ah Federaalka ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Agaasimaha Guud ee Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Dr Axmed Cabdalle ayaa ka warbixiyey Waxqabadka Wasaaradda Shaqooyinka iyo Mashaariicda Horumarineed ee socda.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Maxamed Cabdulaahi Axmed Libaaxe ayaa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyinta Wasaaradaha Heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka

Shirka oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Elay) ayaa Muddada uu socdo looga wada hadli doona wax ka qabadka caafimaadka Xoolaheena, U adkaysiga Xoolaha ee abaaraha soo laalaabtay iyo sidii looga faa’idaysan lahaa xoolaheena.

Ugu danbayn dhammaan Wasiirada Waxa ay hoosta ka xariiqeen in uu shirkan ka soo baxo xal waara oo aynu ku badbaadinayno xoolaheena ugana faa’idaysan lahayn cadkooda iyo caanahooda oo caafimaad qaba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com