Garowe oo lagu soo bandhigay wajigii 2-aad ee barnaamijka tiirarka dimuqraaddiyadda Puntland.

Garowe, Oct, 29 ? Wajigii labaad ee barnaamijka tiirarka dimuqraaddiyadda Puntland ayaa maantay lagu soo bandhigay xarunta hormarinta nabadda iyo cilmibaarista Puntland ee ?PDRC?.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb-qaatay madax kale duwan, sida xubno ka mida golaha xukuumadda, golaha baarlamaanka, madax ka socota hay?addo caalami ah, iyo ururada aan dawliga ahayn. Waxaana si aad ah loogu falanqeeyay muhiimada ay mustaqbalka iyo hormarinta Puntalnd u leedahay hirgalinta nidaamka tiirarka dimuqraaddiyadda Puntland, iyo ka gud-bida nidaamka qabaa?ilka ku salaysan.

Wasiir-dawlaha tastuurka iyo arrimaha faderaalka Puntland, ahna guddoomiyaha guddiga tiirarka dimuqraaddiyadda Puntland Cabdi Xassan Jimcaale oo ka hadlay shirkaasi ayaa yiri ? maadaama ay jiraan cabasho badan oo ka soo yeeraysa qaar ka mida beelaha dagan Puntland, nidaamka qabaliguna yahay mid aan sharci islaam ku salaysnayn, waxaa goosanay maamul ahaan inaan dalka ku soo dabaalno nidaamka asxaabta badan, dabadeenda waxaan dib u eegis ku samaynay dastuurkii dalka, si aan wixii dheeri ah uga saarno? .

Shirarka looga arrinsanayo ka guurida nidaamka qabaa?ilka oo dulmi aan diin ahayn lagu tilmaamay ayaa muddooyinkii danbe waxaa garwadeen ka ahayd xarunta cilmibaarista, nabadda, iyo hormarinta, Puntland ee ?PDRC? waxaana arrintaan ay u muuqataa hormar ay shacabka reer Puntland in muddo ah ku taamayeen waa haddii ay hirgasho.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com