GAROOWE: Dhakhtarad ajnabi ah oo la yiri “dabaq bay iska soo tuurtay”

GAROOWE: Dhakhtarad ajnabi ah oo la yiri “dabaq bay iska soo tuurtay”

Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada haweenka una dhalatay dalka Itoobiya ayaa caawa la sheegay inay dhaawac halis ah ku gashay Garoowe kaddib sida la sheegayo markii ay iska soo tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe ku yaala.

Dhakhtaradan dhalinyarada ah oo ka soojeeda gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya waa dhakhtarad Muslim ah waxayna u dhaxday dhakhtar asal ahaan ka soojeeda Suuriya balse haysta dhalashada Turkiga oo la yiraahdo Maxamed Cabdixamiid, kuna takhakhusay xanuunada gaaska & uurkujirta.

Dr. Nadia ayaa bilowgii sannadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah. Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay ku jireen qaliimo adag kuwaasoo dhamaan ay ku guulaysatey sida ay Daljir u sheegeen maamulka Qaran Hospital.

Radio Daljir ayaa waraysi la yeelatay bishii Feb ee sanadkan 2021 oo ay kaga sheekaysay aqoonteeda, & waayaragnimada caafimaad ee ay leedahay (https://www.youtube.com/watch?v=ZJpjQ07Lsgk).

Laamaha ammaanka ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay shilka soogaarey dhakhtaradan.
Warbaahinta Daljir ayaa warbixin dheeraad ah ka samayn doonta arimaha gabadhan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com