Garowe: Dhiirgelinta Hal-abuurka dhalinyarada oo iyo doorka shirkadaha gudaha (Daawo)

Garowe: Dhiirgelinta Hal-abuurka dhalinyarada oo iyo doorka shirkadaha gudaha (Daawo)

Barnaamijka Dhiirigelinta hal-abuurka dhalinyarada, oo lagu maalgeliyo hal abuurada ganacsi ee dhalinyarada ayna fulinayso Hay’ada maxaliga ah ee Horn Vision kaasoo uu maalgeliyo sanduuqa badbaadada caruurta QM ee UNICEF sidoo kale na ay kormeeerto wasaarada horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland waxaa maanta lagu soo bandhigay lix kooxood oo loo maal geliyey fikiradooda iyo 9 kooxood oo la qorshaynayo in hadda la maal geliyo.

Madashan oo ay kasoo qaybgaleen wasiir kuxigeenka wasaarada Haweenka Puntland Sahra Kiin Cabdi Xirsi, masuuliyiin ka socda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee kajira wadanka, agaasimaha waaxda ilaalinta caruurta ee wasaarada haweenka iyo bulshada rayidka ah waxaa lagaga arinsanayey sidii shirkadaha waaweyn ee wadanka kajiraa doorkooda uga qaadan lahaayeen dhiirigelinta hal-abuurka shaqo ee dhalinyaradda.

Siciid Muuse Siciid, ka socday maamulka hay’ada Horn Vision iyo Yuusuf Maxamed Aadan oo kamid ah halwadeenka Horn Vision ayaa sheegay in barnaamijka dhiirigelinta Hal-Abuurka dhalinyara uu waxbadan ka bedeley dhalinyarada loo maalgeliyey fikiradii ay soo gudbisteen.

Axmed Cali Ciise oo ka socdey Shirkada Amal Group qaybteeda Banigiga iyo Sharmarke cabdulaahi cali oo ka socdey shirkada Golis ayaa iyaguna halkaas kasoo jeediyey hadalo dhiirigelin u ah dhalinyarada hal abuurka leh ee soo bandhiga iyo kuwo la aamusan fikirkooda hal-abuur waxayna xuseen inay qaadan doonaan doorkooda ku aadan horu socodsiinta hal abuurka dhalinyarada.

Wasiir kuxigeenka wasaarada horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska Sahra Cabdi Xirsi oo si rasmi ah u daahfurtay madasha maanta waxay dhiirigelisey dhalinyaradii hal abuurka lahayd ee maanta madasha joogtey.

Mashruuca dhirgelinta Hal-Abuurka dhalinyarada waxaa lagu dhiirgeliyaa dhalinyarada la yimaada hal-abuurka ganacsi waxaana dhalinyaradda hadda la dhiirgeliyey oo tiradadoodu 100 tahay ay 20% yihiin dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba oo ay kujiraan kuwa aragga naafada ka ah.

Halkan ka Daawo Muuwaalka madasha maanta

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com