Garoowe Oo lagaga dhawaaqay guddi dhaqaale u aruurinaya dhaawacyada laga keenay Jubbaland.

Garoowe, July 06- 2013 – Xaruunta PDRC ee magaalada Garoowe waxaa maanta ka dhacay kulan balaran oo lagu taageerayey maamulka Jubbaland, kaasi oo ?uu soo qaban qaabiyey maamulka degmada Garoowe, isla markaasna ay qeyb ka ahaayeen Waxgaradka, Maamulka dhexe, Ururrada dhalinyarada iyo kuwa haweenka.

Nabadoono iyo Ururrada haweenka oo kulanka hadalo ka jeediyey ayaa si kulul u dhaleeceeyey nidaamka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan maamulka Jubbaland, waxay sheegeen in ay wax laga xumaado tahay in dowladu ay isku daydo in ay cadaadis saarto dadku isku tashtay maamul samaystay.

Duqa degmada Garoowe Cabdicasiis nuur Cilmi oo goobta hadal xasaasi ka jeediyey wuxuu sheegay in loo baahan yahay in mid laga ahaado taageerada Jubbaland ?Meel kasta oo Puntland ah dadku xil weyn ayey iska saareen in taageero deg deg ah loo fidiyo dhaawacyada laga keenay Kismaayo, Garoowe waxaa loo baahan yahay dadka jooga in ay maalka bixiyaan oo kaca dhaawacyada oo Gargaar u fidiya?.

Docda kale Duqa degmada Garoowe Mudane Koor. Wuxuu ku dhawaaqay xubno sar sare oo ka tirsan qeybaha bulshada ee goobta joogay kuwaasi oo soo sameyn doono guddi ka kooban, ururrada haweeka, nabbadoono, maamulka iyo ganacsatada gobolka Nugaal iyo kuwa degmada si ay qeyb uga noqdaan taageerada dhaawacyada lagu dabiibayo magaalada Gaalkacayo ee xaruunta gobolka Mudug.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdulaahi warsame oo shir jaraa?id qabtay shalayto wuxuu sheegay ? Waxaan ugu baaqayaa dadka reer Puntland iyo kuwa reer Jubbaland ?ama gudaha ha joogaan ama debbeda, waxaan dalbanaynaa in loo soo gurmado, Jaaliyadaha waxaan u sheegaynaa in loo baahan yahay in dadku is xilqaamaan dadkan dhaawaca ah ha la soo gaaro?.

Ugu dambeyntii magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa ka socda qaban qaabo ay wadaan Ururrada bulshada ee gobolka iyo maamulka intaba, taasi oo lagu abaabulayo sidii loo soo dhoweyn lahaa madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe),? Oo la filayo in uu gelinka hore ee maanta yimaado magaalada Galkacayo kadibna u soo amba boxo dhinaca caasimada Puntland ee Garoowe.

?

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso hadalka Duqa Garoowe.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com