Garoowe lagu qabtay Shir la xiriira Sharciga Hubinta iyo tiro koobka Dawladda

Garoowe lagu qabtay Shir la xiriira Sharciga Hubinta iyo tiro koobka Dawladda

Shir muddo dhowr toddobaad ah ka soconayey xarunta Wasaaradda Qorashaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland isla markaana looga arrinsanayey dib u eegista shacriga Istaatiitiga dawladda ama sharciga hubinta iyo tiro kooba ayaa lasoo geba-gebeeyey iyadoo muddadii uu soconayeyna si weyn loo lafo guray sharcigaasi.

Xeerkaan oo hore ay u meel mariyeen golaha fulinta ee Puntland ayaa waxaa soo celiyey golaha sharci dejinta si wax looga beddelo isla markaan dib markale loogu celiyo goleyaasha dawladda iyada oo wax laga beddeley dhammaan qodobadii ay soo calaamadiyeen golaha sharci dejintu, isla markaana lagu daray talooyinkii ay soo jeediye Baarlamaanku.

Sidoo kale mudda uu shirkaani socdey ayaa waxaa laga talo geliyey dhammaan hay’adihii dawladda ee ay khusaysey arrintaani , ururada bulshada rayidka ah, ururka looyarrada iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dawladda Puntland si uu shirku u noqdo mid miro dhal wanaagsan la yimaada isla markaana dhaxal gale u noqda bulshada Puntland.

Sharcigaan ayaa dhowaan la horgeyn doonaa goleyaasha dawladda si ay u ansixiyaan isla markaana waxaa uu noqon doonaa mid wax badan ka beddela hannaanka hubinta iyo tiro koobka iyo sidoo kale inuu xakameeyo xog uruurin aanay dawladdu ogayn in aan laga samayn Karin dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com