Garoowe: Booliska Puntland oo ka hortagay gabadh is gubi rabtay

HomeWararka

Garoowe: Booliska Puntland oo ka hortagay gabadh is gubi rabtay

Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa shaaciyay in ay xalay ka hortageen dhacdo fuul-xun oo gabar dhalinyaro ah ku doonaysay in ay is gubto. Qora

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya weerar Al-shabaab ay xalay ku qaaday ciidamo katirsan Puntland
Guul iyo Gobanimo!
Madaxda dowladda Soomaaliya oo ka Tacsiyeeyay geerida Wasir Xoosh

Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa shaaciyay in ay xalay ka hortageen dhacdo fuul-xun oo gabar dhalinyaro ah ku doonaysay in ay is gubto.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Booliiska Puntland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Amniga Garoowe ka hortageen arrintan oo ka dhacday xaafad ka tirsan caasimadda Garoowe.

Qoraalka waxa lagu xusay, in gabadhu wadatay baasiin iyo taraq ay doonaysay in ay isku gubto, balse uu taraqii u bixi waayay, kadib markii uu qoyay.

Warka kasoo baxay booliska ayaa sidaan u qornaa:

Ciidamadda ammaanka Garowe iyo saraakiisha hawlgalinta booliska Gobolka Nugaal waxay xalay ka hortageen dhacdo foolxun oo gabadh dhalinyaro ah ku doonaysay inay ISKU-GUBTO,NAFTA isaga goyso ama ay isku-dili rabtay kadib markey BAC kusoo qaadatay baasiin iyo taraq balse nasiib wanaag taraqii ka qooyay sidaas darteedna uu u bixi waayay dabkii kabriidka ama taraqu.

Gabadhaan oo laga helay luuq ku yaala xaafadaha magaalada GAROWE,waxaa la geeyay Cisbitaalka guud ee dowladda, si loogu dabiibo looguna sameeyo baaritaan,kadib markey heleen boolisku waxay sidatay Telefon labo SIM CARD leh,oo middi yahay Telesom,midna yahay GOLIS,dadaal dheer kadib iyo xiriiro dhexmaray qaar ka mid ah bulshada iyo laamaha Amaanka waxaa lagu guulaystay Aqoonsiga xubno ka mid ah ehelka iyo qoyskeeda,si loola socodsiiyo dhacdadaan ka hortaga ay ku sameeyeen ciidamada boolisku.

.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: