Garoonka diyaaradaha Buuhoodle oo dhismihiisa laga shiray (Sawiro)

Buuhoodle, 1 OCT-2013, Shirkani oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan gobolka Cayn ayaa looga hadlayey dib u bilaabita dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle kaasoo mudooyinkii danbe hakad kujirey, iyadoo sidoo kale ay wareejiyeen masuuliyada dhismaha garoonka gudigii hore u maamuli jirey dhismaha garoonka
?
Waxaa shirka ka hadlay cuqaal, aqoonyahano, waxgarad, ganacsato, qurbajoog & qaybaha bulshada ayaa dhamaan dadkii hadlay ayaa isku raacay in laga qayb qaato dhamaystirka dhismaha garoonka.
?
Masuuliyadii garoonka ayaa halkaasi lagaga wareejiyey gudigii hore gacanta ugu hayey dhismaha Garoonka?
Xasan Faarax Baad oo ahaa gudoomiyaha gudigii hore ee Garoonka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo isaga & gudigiisu aysan wax shaqo ah oo danbe ka qaban doonin Garoonka.
?
Cumar Cabdi Haaruun oo kamid ahaa gudigii ?hore ayaa sheegay in hawlo badan ay garoonka kasoo qabteen mudadii ay soo wadeen, sidoo kale wuxuu sheegay in gudiga maanta laga wareejiyey ay lahaayeen fikirkii lagu bilaabay dhismaha Garoonkan.
?
Intaas kadib waxaa hadalka isaga danbeeyey cuqaal, waxgarad, aqoonyahano & Qurbajoog, kuwaasoo dhamaantood soojeediyey in la dhamaystiro Garoonka lana magacaabo Gudi cusub oo tayo leh.
?
Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle oo mudo 3 sano ah uu dhismihiisu socdey ayaa mudo sanad ku dhow hakad kujirey kadib khilaaf soo kala dhexgalay gudiga gacanta ku hayey & qurbajoogta oo ahaa dadka ugu badan ee maalgelin jirey dhismaha garoonka waxaana arintaasi la xaliyey maanta iyadoo la sheegay in gudi cusub lasamayn doono lana bilaabayo xiligan shaqada dhismaha ee garoonka ?.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
Buuhoodle ? ? ? ? ?
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com