Site icon Radio Daljir

Gargaar loogu tala-galay dadka fatahaada ku baragkacay oo la gaarsiiyey magaalada Jowhar

Jowhar, December 27, 2013 – Magaalada Jowhar ee xaruunta gobolka shabeelaha dhexe waxaa gaaray in ka badan 20 gaari oo kuwa xamuulka ah isla markaasna sida gargaar fara badan.

Gargaarka la geeyey gudaha Jowhar ayaa loogu talo-galay dadkii masiibadu fatahaada ah ay haleeshay bilihii u dambeeyey Jowhar iyo deeganada ku xeeran.

Xaruuntii hore ee ADC ee magaalada jowhar ayaa la sheegayaa in lagu xereeyey gargaarka kala duwan ee loogu talo-galay dadka fatahaada ay baragkicisay.

Gargaarka ayaa la filayaa in dhowaan lagu wareejiyo guddi ka shaqeeya qaybinta samafalka kala duwan ee soo gaaraya gobolka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

Exit mobile version