Garacad: Ciidamada badda ee Puntland oo gacanta ku dhigay rag lagu tuhamayo Al-shabaab (dhegayso)

Maamulka Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo labo kamid ah ay yihiin Yemeniyiin iyo qof Soomaali ah .

Gudoomiyaha Garacad Cabdinuur Cabdilaahi Xirsi oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in ragga laqabtay aysan keenin cadayn muujinaysa inay yihiin kallumuumaysato.

Waxaa uu intaas kudaray hadii aysan keenin cadayn ah inay yihiin kalluumaysato, maxkamad lasootaagayo.

Dhanka kale gudoomiyaha Garacad ayaa sheegay in ciidamada badda ee Puntland ay hawlgalo amaanka lagu sugaayo kasameeyeen xeebta Garacad oo ahayd meelihii ururka Al-shabaab sanadkii hore duulaankii ay kusoo qaadeen Puntland kasoo degeen.

Zubeyr Shiikh Cabdi ayuu uga waramay soo qabashada dadkaas.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com