Garaad Saleeban Garaad Maxamed : “ Anaga Nama Matalo Cali Khaliif Galayr Wax Heshiis ah oo dhacayna Majiraan “

Garaad Saleeban Garaad Maxamed : “ Anaga Nama Matalo Cali Khaliif Galayr Wax Heshiis ah oo dhacayna Majiraan “

Isimmadda iyo waxgaradka Puntland ee kasoo jeedda Gobolka Sool oo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Garoowe ayaa si cad uga horyimid heshiiskii dhawaan la sheegay inay Magaaladda Caynaba ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Khaatumo Proffeser Cali Khaliif Galayr.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud iyo Boqor C/laahi Axmed Cali oo Garoowe ku sugan ayaa sheegay in cidna ay san ku matalin iyaga gobolka Sool,Waxaana si Kulul uga hadleen Heshiiskaas,iyago ku baaqay shirweyne Balaaran oo Beelaha Gobaladas isugu imaanayaan.

Hadalka Isimmadda ayaa imaanaya maalmo uun kadiib markii ,Maamullada Somaliland iyo Khaatumo ay mar kale dhawaan wadda gaareen heshiis ka koobanaa dhowr qoddob, kaasi oo daba socda heshiisyadii ka dhacay Jabuuti ,Dubia iyo Hargeysa

Axmed sheekeye Ayaa warbixintan inooga diyaariyeey

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com