Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo qaadacay 5 xubnood oo ku jira liiska Xildhibaanada (daawo)

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa dhawaaq dheer ku sheegay Musuq maasuq baaxad weyn in lagu sameeyay soo xulida Xildhibaanada cusub ee Puntland, wuxuuna ku baaqay inaan la dhaarin karin 5 Xildhibaan oo kuraasta baarlamanka kasoo galey Gobolladda Sool iyo Sanaag.

Magacyadda Xildhibaanada uu dalbadey Garaadku inaan laga dhaarin waxaa kala yihiin.
1. Saadiq Abshir Garaad.
2. Keyse Cawil Cali Boobe.
3. Axmed Yaasiin Cabdi
4. Cabdi Siciid Kafad
5. Ismaaciil Cabdi Abtiile.

Sidoo kale Garaadka ayaa ku hanjabay haddii la baalmaro warka kasoo baxay sad dhexe oo caawa inuu ka huleeli doono GAROWE iyo guud ahaan Puntland,islamarkaana uu usoo dabci doono heshiis dhexmara isaga iyo maamulka Somaliland.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo Issim fac-weyn uu qabsado Xildhibaano ay magacyadooda shaaciyeen guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka oo caawa warbaahinta usoo gudbiyay magacyadda 66 xubnood,lamana yaqaan sida laga yeeli doono waji gabaxaan lasoo darsadey Guddiga.

https://www.facebook.com/1722832937795159/videos/220132682250590/?t=52

Xigasho: DALMAR Media


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com