Garaad Jaamac oo ka digay in dad ka socda Sool iyo Cayn lagu daro Baarlamanka Puntalnd (Dhegeyso)

Garoowe, December 17, 2013 – Puntland ayaa haatan waxaa ka socda dhaqdhaaqii ugu dambeeyey ee lagu keenayo xildhibaanada cusub ee noqonaya baarlamanka, inta badan gobollada ayaa lagu diyaariyey xildhibaanadii meteli lahaa beelaha.

Gobollada Sool iyo Cayn ayaase ilaa haatan aan la cadayn habka ay ku iman doonaan Xildhibaanada metelaya beelaha.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee gobolladaas ayaa ka digay in rag metelaya gobollada Sool iyo Cayn in lagu daro Xildhibaanada baarlamanka Puntland ee haatan la soo xulayo, hadii ay dhacdo arrintaas ayuu ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhinayn.

?Isimada soo jireenka ah ee Sool iyo Cayn wax xildhibaano ah uma diri doonaan Puntland mana dhacayso.? Ayuu yiri Garaad Jaamac

Docda kale Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa uu xusay inay furan tahay in iyaga iyo isimada Puntland ay ka wada hadalaan wax walba oo dhacay, taasna ay tahay mid soo jireen ah in xal laga gaaro khaladaadka.

Isimada waa wayn ee Sool iyo Cayn ayaa dhowaan shaaciyey inaysan wax Xildhibaan ah u diri doonin Puntland, balse waxaa la dareemayaa dhaqdhaaq lagu soo? xulayo Xildhibaano metela beelaha gobolladaas qaarkood oo haatan socda.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso:- Khadar Cowl oo daljir ka tirsan ayaa waraystay Garaad Jaamac Garaad Cali


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com