Garaad Cabdilaaahi Cali Ciid oo maanta lagu Aasayo Badhan

Garaad Cabdilaaahi Cali Ciid oo maanta lagu Aasayo Badhan

Al-ha unaxarisree waxaa maanta degmada Bdhan ee gobolka Sanaag lagu aasayaa Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo labo maalin ka hor ku geeriyooday dalka Turkiga.

Garaadka ayaa kamid ahaa Isimadii wax ka aas-aastay maamulka Putland waxaana lagu xasuustaa dowrkii uu ka qatay nabadeynta beelaha iyo xalinta khilaafaadka bulshada.

Aaaska marxuumka waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin dowladda katirsan, Isimada Dhaqanka, Cuqaasha, Nabadoodanada, xubo katirsan labada gole ee dowladda, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Garaad Cabdillaahi Cali Ciid ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa dalka Turkiga oo loogu qaaday xanuun xagga kalyaha ah, hase ahaatee intii uu isbitaalka ku jiray ayaa waxaa ku sii dhacay xanuunka COVID19, inkastoo mar dambe la sheegay in uu ka soo kabsaday.

Garaadka ayaa ifka uga tagay siddeed caruur ah.

Inaa lilaahi Wainaa ileyhi Raajicuun.
Xasan Heykal, Daljir garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com