Ganacsiga magaalada Garoowe oo sii koraya & Suuqyo cusub oo la sameeyey (Sawiro)

?

Garoowe,16,March 2013 Magaalada garawe ee xaruunta maamulka? Puntland ayaa labadi sano ee ugdanbeysay waxaa lagadareemayaa hormar dhanka ganacasiga ah waxaana sii kordhayey suuqyada magaalada kuwaas oo lagu iibsho baggaashka qaybihiisa kala duwan.

Ganacastadan ayaa allaabta waxaa ay ka soo waaridaan magaalooyinka Boosaso,Muqdisho iyo Wajaale waxaana ay iibiyaan dharka iyo bagaashka qaybihiisa kala duwan.

Maxamed Cali Mursal oo ka mid ah ganacsatada wax ku iibiya suuqa (Wada jir) ee magaalada Garoowe ayaa sheegay inuu ganacsigiisu horumar samaynayo sanadihii ugu danbeeyey.

Dhinaca kale waxaa ay ganacsatadu ka cabanayaan sarifka doolarka oo hoos u dhacay mudooyinkaan danbe iyagoo sheegay inuu saamayn ku yeesha ganacsigooda .

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa ay lahaan jirtey 2 suuq waxaana ay haatan marayaan suuqyadu illaa 5 suuq kuwaas oo qaarkood lagu iibsho baggaashka,raashinka,dharka iyo allaabo kale,inta badan dadka ?ka ganacsata allaabahaas ayaa waxaa ay ka soo jeedaan koonfurta Dalka kuwaas oo ka soo qaxay dagaalada iyo culaadihii ka jirey goboladaas.\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Diiwaanka wararka Daljir.

(C,X.)

?

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com