Ganacsiga magaalada Boosaaso oo maanta xiran

Ganacsiga magaalada Boosaaso oo maanta xiran

Ganacsiga suuqa magaalada Boosaaso ayaa maanta intiisa badan xiran.

Shacabka ayaa ku waabariistay goobaha ganacsiga ee magaalada oo albaabada laysugu dhuftay.

Ganacsatada qaar oo Daljir la soo xiriiray ayaa sababta ay ganacsiga suuqa maanta u xireen ku sheegay Canshuurtii oo lagu siyaadiyay.

Dekeda Boosaaso maalintii afaraad waxaa taala alaabtii ganacsatada uga soo dagi jirtay.

Ganacsatada ayaa sheegtay in aysan awood ulahayn in ay bixiyaan Canshuurtan xad dhaafka ah.

Wasiirkii maaliyada ee Puntland ayaa safar dalka dibadiisa ah ku maqan,kadib markii uu amar ku bixiyay in Canshuurahaasi ay wasaaradu qaado.

Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ayaa labo maalin ka hore dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso, iyadoo maanta ganacsiga suuqa uu xiran yahay.

Xirnaan shaha suuqa Boosaaso ayaa ku soo beegnay xili xalay magaalada lagu dilay xalay ganacsade lagu magacaabo Jaamac Quurshe.

Daljir kala soco warbixintan oo dhamaystiran.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com