Ganacsatada hilibka ee magaalada Qardho oo maalintii labaad sameeyay shaqo joojin

Qardho,Jan 29 -Haweenka ka gansacada iibinta hilibka ee ku nool magaalada Qardho ayaa maalintii labaad shaqo joojin ka sameeyay magaalada Qardho.

Arintaan ayaa ah mid ay haweenku kaga cabanayaan sare u kac ku yimid qiimaha lagu iibiyo xoolaha nool ee degmada Qardho.

Qaar ka mid ah haweenka shaqo joojinta sameeyay ayaa u sheegay Radio Daljir sababta keentay inay ku dhaqaaqaan shaqo joojintan inay tahay, kadib markii qiimaha neefka arigu uu ka gaaray magaalada Qardho lacag gaaraysa laba milyan oo Sh.so,halka qiimaha doolarkana uu hoos u dhacay.

Ganacsatada hilibka ayaa dhanka kale ku’eedeeyay dulalaayaasha xoolaha ee degmada Qardho inay sabab u yihiin sare u kaca xoolaha ariga ee laga dareemayo magaalada Qardho.

Shaqo joojinta ay wadaan haweenka ka ganacsada hilibka ee degmada Qardho ayaa saamayn xoogan waxaa ay ku yeelatay meheradaha kale duwan ee ku yaala magaalada Qardho.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com