Ganacsata Bossaso: “Qori Caaraddi iyo Boob Canshuur Ganacsiga ma Deeqdo”

Ganacsata Bossaso: “Qori Caaraddi iyo Boob Canshuur Ganacsiga ma Deeqdo”

intabadan ganacsigii suuqa magaalada Bosaaso ayaa maalintii saddexaad xiran, marka laga reebo meheradaha ganacsiga yar yar. Arrintan ayaa waxa ay saamaysay dadka danyarta ah ee suuqaasi ka xamaalan jiray, taas oo saamaysay nolol maalmeedkii qoysaskooda .

Ganacsatada ayaa sheegtay in guud ahaan ay joojiyeen in ay wax uga soodagaan dekeda Bosaaso laga bilaabo maanta oo aysan waxa canshuur ah kabixinaynin alaabta dekeda utaala.

Maamulka rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Puntland oo aan la xiriirnay si aan arintan waxa uga waydiino ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan waxaana jira kulamo gooni gooni ah oo rugta ganacsiga uga socda qaar kamid aha ganacsatada iyo maamulka rigta ganacsiga.

Hadaba Wariyaheena magaalada Bosaaso, Xasan Heykal, ayaa booqday suuqa magaalada Bosaaso oo la kulmay adka danyarta ah ee ka xamaasha suuqa wayn ee magaalada Bosaaso waydiiyayna Saamayntan ay ku yeelatay shaqadooda xirnaanshaha suuqa ee maalintii sadaxaad.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com