Site icon Radio Daljir

Ganacsade wayn oo lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool

Kooxo hubaysan ayaa xalay ku dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Allha ha u naxariistee Maxamed Cabdi Timir oo ka mid ahaa ganacsatada waawayn ee gobolka Sool.

Koox ku hubaysan bastoolad ayaa wararku ay sheegayaan inay dilka gaysteen, kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inay jirto xiisad ka dhalatay dilka ganacsadaha, kaasi oo kasoo jeeda mid ka mid ah laba beelood oo dagaal uu ku dhexmaray gobolka Sool, waxaana socda dhaqdhaqaaqyo ay dhinacyadu ka wadaan magaalada, taasi oo walaac ku abuurtay bulshada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Exit mobile version