Ganacsade Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo hubaysan oo burcad ah ayaa xalay ku toogtay dalka Koonfur Afrika muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Muwaadin oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Koofurow ayaa lagu dilay isagoo fadhiya goobtiisa ganacsiga, waxaana goobta ka baxsaday kooxhii dilka gaystay.

Koonfur Afrika ayaa lagu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalkaasi, waxaana safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika dhowaan ay sheegtay inay wax ka qaban doonto, inkastoo aan waxba laga qaban.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com