Ganacsade Somalia ah oo lagu Dilay Koonfur Afrika

Bacaadweyn, Maarso 13, 2016 (Daljir) —Waxaa weli ka sii soconaaya magaalooyinka waaweyn ee South Africa xasuuqa dadka ajaanibta madow, waxaana Soomaalidu ay noqotay dadka ugu badan ee dhibaatadu kasoo gaarto weerarada kadhaca dalkaasi.
 
Dalkaasi ayaa waxaa xalay lagu diley ganacsade Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Maxamed Nuur Maalin,i yadoo sidoo kale halkaa lagu dhaawacay Labo Wiil oo dhalinyaro soomaaliyeed ah.
 
Dilka iyo dhaawaca ayaa waxaa lasheegay inay ka dambeeyeen Burcad Koofur Afrikaan ah,kuwaas oo doonayay in ay dhacaan Goobaha Ganacsi ee ay leeyihiin Soomaalida ka shaqeysata wadankaasi.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com