Ganacsade Somali ah oo lagu Dilay Koonfur Afrika

Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (Daljir) — Ganacsade soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka koonfur Africa, gaar ahaan deegaan lagu magacabo khayelitsh, xili halkaasi ay ka socotay bililiqo xoogan, oo loo geysanayay Goobo Ganacsi.

26-jirkaasi, soomaalida ah ayaa la dilay 06:00 ee shalay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Booliska dalka Koonfur Afrika Captain FC Van Wyk.

Sidoo kale waxaa uu hadlkiisa uu sii raaciyay in dilka ganacsadahaasi, ay ka dambeeyeen saddex ruux, kuwaas oo goobtiisa Ganacsi gudaha u galay.

Ma jirto cid ilaa iyo hada loo soo xiray Dilka loo geystay Muwaadinkasi Soomaaliyeed.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com