Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Xaaf: “Waxaa soo ifbaxaya in Madaxweyne Farmaajo … faragalin qaawan uu ka wado deegaanada Galmudug (war murtiyeed)

Ayada uu cirka isku sii shareerayo khilaafkan xooggan ee u dhexeeya DFS iyo maamulada dalka, laguna eedaynayo in Madaxweyne Farmaajo uu bilaabay dagaal ka dhan ah maamulada dalka, siiba Galmudug iyo Hirshabeele, laguna tuhmayo sida Madaxweyne Waare uu shalay shirkiisii jaraa’id ku sheegay, in Madaxweyne Farmaajo uu ka gaabiyey dagaalkii lagula jirey al-Shabaab, ayaa waxaa hadda isa soo taraya kala fogaanshaha hoggaanka Farmaajo iyo kan maamul goboleedyada.

Waxaa kale oo faraha ka sii baxaya amnigii Xamar, ayada oo hadda u dhowdahay in ay kala xirmaan gobolka Benaadir iyo deegaanada ku hareeraysan, gobolkuna noqdo mid gees kasta ay Al-Shabaab ka fadhido.

Kala fogaansha hoggaanka Farmaajo iyo kan maamulada oo sidaas u sii xoogaysanaya ayaa Galmudug waxa ay maanta soo saartay “War Murtiyeed” ay ku sharraxayso waxa keenay khilaafka iyo sida Madaxweyne Farmaajo uu xaalka u sii fogeeyey, ayada oo maamulka laga dhex abuuray xulafo ka dhan ah maamulka Madaxweyne Xaaf.

War Murtiyeedka Galmudug ayaa sidan hoose u qornaa:

Exit mobile version