Galmudug oo si kulul uga jawaabtay Dowladda dhexe (Akhriso)

Galmudug oo si kulul uga jawaabtay Dowladda dhexe (Akhriso)

Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga hadashay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo, kaasoo in doorashada Galmudug ay dhaceyso sanadkan dhexdiisa.

War saxaafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay iney nasiib darro tahay in Madaxweyne Farmaajo uu sheego hadal dhaawacaya midnimada iyo Jiritaanka Galmudug, iyagoo dhinaca kale dhaliilay in furitaankii baarlamaanka lagu casuumo Cali Gacal Casir oo ay ku sheegeen inuu yahay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Galmudug.

Galmudug waxa ay sheegtay iney diyaar u tahay iney miiska wadahadalka la fariisato dowladda hadii ay ilaaliso Dastuurka Galmudug, farahana kala baxdo faragelin ay sheegeen iney maamulkooda ku heyso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com