Galmudug oo laga hirgaliyay baarlamaanka ugu badan dowlad goboleedyada Soomaaliya

Magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka dhacay heshiis lagu kala saxiixanayay dhismaha baarlamaan isku dhaf ah oo ka imaanaya Galmudug iyo maamulka Ahlu Sunah Waljamaaca oo horay ugu heshiiyay inay isku biiraan labada dhinac oo ay noqdaan hal maamul, heshiiskaasi ayaa horay waxaa uga shaqeeyey madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Munaasabad ka dhacday magaalada Cadaado ayaa waxaa heshiiska kala saxiixday madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxa golaha xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir baarlamaanka isku dhafka ee labada dhinac oo tiradooda laga dhigay 178-xildhibaan, baarlamaanka Galmudug ayaa horay u ahaa 89 xildhibaan.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa bogaadiyay heshiiskan uu ku tilmaamay mid guul u ah Galmudug, ayna dhaqan geliyeen heshiiskii horay u dhexmaray labada maamul ee Ahlu Suna iyo Galmudug.

Galmudug ayaa noqonaysa maamul goboleedka Soomaaliya ugu badan ee xildhibaanada, iyadoona aan haysan ilo dhaqaalle haysan, waxaana ay ku tiirsantahay deeq ay ka hesho dowladda faderaalka Soomaaliya.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com