Galmudug oo ku dhawaaqday inay tallaabo ka qaadeysa dadka wada jarista dhirta

HomeWararka

Galmudug oo ku dhawaaqday inay tallaabo ka qaadeysa dadka wada jarista dhirta

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka hortegi doonaan cid kasta oo isku

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Amniga Doorashooyinka
Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)
Guddiga ka hortagga Covid19 oo ka shiray xakameynta bulshada ee dabaal degga Maalmaha Ciidda

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka hortegi doonaan cid kasta oo isku dayeysa inay degaannada Gobolka Mudug ka xaalufiso dhirta.

Guddoomiyaha oo hadal ka jedinayay munaasabad lagu aleemo saarayay Maamulka degaanka Laanwaalay ee Gobolka Mudug ayaa dadka degaanka ugu baaqay inay iska qabtaan ama maamulka kusoo wargeliyeen dadka wada Jarista Dhirta, qodista Barkadaha tiro beelka ah.

Wuxuu guddoomiyaha hadalkiisa uu intaasi kudaray in cid kasta oo lagu arko inay ku howlan tahay jarista dhirta laamaha Amniga ay a qaadi doonaan tallaabo sharci ah, isla markaana xaalufinta dhirta aan la aqbali doonin.

Hadalkan kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa kusoo aadaya xilli Galmudug dhowr jeer ay go’aano kasoo saartay jarista Dhirta balse o;aanadaas aysan dhaqan gelin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: