Galmudug oo ku dhawaaqday inay joojisay wada shaqayntii dowladda dhexe

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyay wada shaqayntii kala dhaxeeysay dowladda dhexe ee faderaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsxaaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusomareeb dowladda faderaalka ayaa lagu eedeeyey inay ku howlantahay burburinta iyo kala qaybinta shacbka iyo maamulka Galmudug.

 

“Galmudug waxay isku dayday xoojinta wadashaqeynta dowlada, nasiib daro madaxda dowlada federaalka ayaa ku dhaqaaqeysa fekerro madhaleysnimo oo ah afuubida awooda dastuurku siiyey maamuladda,” ayaa lagu yiri bayaanka Galmudug.

22kii bishaan Puntland ayaa sheegtay inay joojisay wada shaqayntii kala dhaxaysay dowladda faderaalka Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyey inay jabisay dastuurka dalka u daggan iyo la shaqaynta dowlad goboleedyada.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com