Galmudug oo ka shirtay khatarta cudurka COVID-19

Galmudug oo ka shirtay khatarta cudurka COVID-19

Kadib kulan deg deg ah oo ay Maanta yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa ay guddi u saareen ka hortagga faafitaanka Cudurka Coroanviru, kadib markii 13 kiis laga helay Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo sameyn lahaa diyar garoow nugleh, waxaana dhamaan Wasaaradaha kulanak ka qeyb galay laga dhageystay Warbixino la xiriira howlaha ka hortegida iyo la tacaalida Cudurka COVID-19.

Intaasi kadib Golaha Wasiirada Galmudug ayaa Guddi u saaray ka hortagga faafitanka Cudurka Cornavirus, sida uu ku dhawaaqay kusimaha Madaxweynaha Galmudug ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka dr Maxamed Nuur Gacal, waxaana Guddiga ay kala yihiin.

1: Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug.

2: Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug.

3: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug.

4: Wasaaradda Warfaafinta Galmudug.

5: Wasaaradda Ganacsiga Maamulka Galmudug

6: Boostada & Isgaarsiinta Maamulka Galmudug.

7: Wasaaradda Diinta & Awqaafta Galmudug

8: Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Galmudug.

9: Agaasimaha Madaxtooyada Maamulka Galmudug.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug. Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay in shirka lagu go’aamiyay in dhamaan dib loo furo xarumihii karantiilka ee degaannada Galmudug iyo in Shaqaalaha Caafimaada ay Shaqada si dardar leh ku qabtaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com