Galmudug oo jaadka ka mamnuucday in la geeyo furimaha dagaalka

Wasaaradda amniga gudaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka mamnuucday deegaannada ay howlgalalda ka dhanka ah Al-Shabaab ka socdaan in la geeyo Qaad/Jaad, sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howlgallada socda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa looga digay ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad degaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

Wasaaraddu waxa ay ogeysiineysaa dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto, Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.

Ugu dambeyn, waxa ay wasaaradda amniga fareysaa laammaha ammaanka Galmudug in ay ka howlgalaan dhaqan-gelinta amarkaan, gacantana kusoo dhigaan cid walba ee u hoggaansami weyso.

Ammarkaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Quburo amni iyo mas’uuliyiin dowladeed ay sheegeen in Ciidamada howlgallada kujira ay habeenkii jaadka aad ugu dhafraan, balse xilliyada dambe ee habeenkii markii ay seexdaan ay weeraro xoogan kala kulmaan Al-Shabaab.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com