HomeUncategorized

Galmudug oo iska fogeysay eedo kaga yimid dhanka Puntland.

Gaalkacyo, Dec, 08- Maamulka Galmudug ee ka arimiya koonfurta Gaalkacyo ayaa gabi ahaanba gaashaanka u daruuray eedeymo kaga yimid dhanka maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.

(Dhagayso) Xildhibaan Xoosh Jibriil: Hishiiska Garowe wuxuu ka hor imaanayaa Dastuurka DF
Buuhoodle oo lagaga shiray tacadiyada haweenka iyo doorkooda siyaasadda iyo nabada (Dhegeyso)
2 dambiile oo toogtay mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo la qabtay.

Gaalkacyo, Dec, 08-? Maamulka Galmudug ee ka arimiya koonfurta Gaalkacyo ayaa gabi ahaanba gaashaanka u daruuray eedeymo kaga yimid dhanka maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.


Gudoomiye ku xigeenka gobolka ee dhanka Galmudug Aweys Cali Siciid ayaa waraysi uu siiyay Radio daljir waxaa uu ku beeniyay inay ka shaqeynayaan falal lid ku ah xasiloonida PL, kuwaasoo ay ka mid yihiin afduub dad rayida, gabaad siinta dabiilayaal reer Puntland ah iyo waliba galitaanka waddooyinka gobolka taasoo ay dheertahay inay jidka u furaan kooxaha koonfurta ka dagaalama ee u soo gudba gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya, taa badalkeedana uu ku eedeyay inay afduubkii ugu horeeyay ay iyaga ku kaceen.


Aweys, ayaa xusay in hubkii shalay ku soo dhacay xaafadaha waqooyi uu ahaa mid aan ula kac loo samayn balse lagu riday koox burcada taasna ay keentay inay soo gudbaan.


Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in Puntland wali ay gacanta ku hayso nin danbi-laawaa reer Galmuduga, hase ahaatee Puntland ay u aragto xubin ka tirsan Alshabaab, wuxuuna geesta kale tilmaamay inay ku tala jiraan sidii xoriyadooda loo siin lahaa dhawr qof oo gacanta ugu jira beeshii uu ka dhashay ninka Puntland ay haysato.


Hadalka sargaalkan ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ku soo aadaya xili shalay gudoomiyaha gobolka Mudug iyo taliye ku xigeenka ciidanka booliska PL Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse ay si wada jir ah u cambaareeyeen hab dhaqanka dad iyo maamul ee Galmudug, dalbadayna inay joojiyaan falalka wax u dhimi kara wada daganaashaha iyo heshiiskii Gaalkacyo lagu soo wada dagay bilowgii sagaashamaadka.


Puntland iyo Galmudug ayaa dhawr jeer oo hore isku eedeeyay falal ka dhacay gobolka, inkastoo wali aysan dhex marin xurguf saamayn ku yeelata siyaasadda labada maamul, balse laga dareemay gobolka Mudug miyi iyo magaalaba.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir?

(S)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: