Site icon Radio Daljir

Galmudug oo Gunada ka jartay Lix Xildhibaan

Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal Warqad uu u diray Wasaaradda Maaliyadda Galmudug kuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Galmudug qaarkood Gunada laga jarto.

Warqaddaan ayaa lagu sheegay in 6 Xildhibaan laga joojiyey gunadda 2 bil iyo ka qeybgalka 4 Fadhi.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegay in ay diideen in ay noqdaan kuwa taageersan Madaxweyne Qoorqoor oo aan waxba ka sheegin dhaliilaha maamulka Galmudug.

Exit mobile version