Galmudug oo go’aan ka qaadanaysa maleeshiyaadka falalka werarka ah geeysta

Galmudug oo go’aan ka qaadanaysa maleeshiyaadka falalka werarka ah geeysta

Mas’uuliyiinta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay heshiis ka gaareen colaad gacan ka hadal wadatay oo dhowaan dhexmartay ciidamada Danab iyo maleeshiyo beeleed ku sugan magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii iska horimaad dhacay ay ku dhinteen dhowr qof.

Xubno uu horkacayay wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Odayaal Dhaqan ayaa waxaa ay gaareen deegaanka saaxqurun ee Gobolka Mudug,waxaana ugu dambeyn lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo maleeshiyaadkii ka qeyb qaatay dagaalkii Gaalkacyo.

War kasoo baxay wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay Ciidamo lixdameeyo ku dhow iyo gaadiid waaweyn oo kuwa dagaalka ah tiradooduna gaarayso 5 gaari lagu wareejiyay Wasaaradda,isla markaana la geeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Warka Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada iyo gaadiidka ay ka mid noqon doona ciidamada daraawiishta Galmudug, ayadoo lagala xisaabtami doono, baaritaanna lagu samayn doono ciddii ka mas’uulka ahayd weerarkii iyo falkii lagu weeraray saldhigga ciidanka Danab ee Gaalkacyo ka dhacay Sabti 23 May 2020.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com